Nin Farsamada Gacanta ka shaqeynayay oo Xalay Xamar-Jajab lagu dilay

Muqdisho (KON) - Ragg hubeysan ayaa xalay fiidkii degmada Xamar-jajab ku dilay nin rayid ahaa oo ka shaqeeysan jiray farsamada gacanta, kooxahaan ayaa dilka geysatay kadib markii ninka farsamo yaqaanka ah ay ku weerareen goob uu ku fiidsanaayay.
Warar Keydmedia Online
Nin Farsamada Gacanta ka shaqeynayay oo Xalay Xamar-Jajab lagu dilay

Ninka la dilay ayaa lagu magacaabi jiray Cali Xuseen Faanoole, waxaana uu ahaa nin iska shaqeysta oo rayid ah.
Kooxihii dilka geystay ayaa baxsaday, mana jirin cid isku howshay inay gacanta ku soo dhigaan kooxahaasi mana xayaasha ah.

Sikastaba, habeen hore ayay ahayd markii xaafada Xaawo Taako ee degmada Wada jir lagu dilay Macallin dugsi wax ka dhigi jiray mid kamid ah dugsiyada xaafadaasi ku yaala

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho