Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanyahay Shabaab oo lagu toogtay Degmada Afgooye

Afgooye (KON) - Ciidammada Nabad Sugidda Soomaaliya ayaa Maantay Degmada Afgooye toogosho ku dilay Nin lagu eedeeyay inuu kamid ahaa Kooxda Al-Shabaab.
Warar Keydmedia Online
Nin lagu eedeeyay inuu ka tirsanyahay Shabaab oo lagu toogtay Degmada Afgooye

Ninkaan ayaa Xalay dhaawacay Askari ka tirsan Ciidammada Nabad Sugidda waxaana lasoo qabtay kadib markii Ciidamada Nabad Sugidda Maantay Howlgalo ka fuliyeen degmada Afgooye ee gobolka Shabeelada Hoose.

Ciidamda Dowlada ayaa Maantay ka wada Howlgalo balaaran oo lagu soo qabtay Dhalinyaro badan, kuwaasoo lagu eedeeyay in ey ka tirsan yihiin Kooxda Shabaab.

Saraakiisha Ciidammada Nabad Sugidda ayaa Shacabka ka codsadeyn in ey la shaqeyaan oo ey soo sheegaan Qofkii laga shakiyo.

Keydmedia Online - Xafiiska Kismaayo