NIn loo xiray Gaari uu ka soo dagsaday Dekada Kismaayo

keydmedia (Muqdisho) Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka ee degmada Wadajir ayaa shalay galinkii danbe gudaha degmada Wadajir waxa ay ka qabteen nin ay ku eedeeyeen inuu Gaari kala soo dagay Dekada Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
NIn loo xiray Gaari uu ka soo dagsaday Dekada Kismaayo

Goobjoogayaal ayaa xaqiijiyay in ninka laga qabtay jidka Danwadaagta ee dhex mara Xaafada Buula-xuubeey ee degmada wadajir, waxaana kooxihii ninkaasi gacanta ku dhigay ay ula dhaqaaqeen qeyba ka mid ah saldhigyada ay ciidamada Dowlada gacanta ku hayaan.

Kol hore  ayeey aheyd markii Dowlada Soomaaliya ay ugu baaqday ganacsatada Soomaaliyeed in aanay adeegsan dekadaha iyo Garoomada ku jira gacanta kooxaha Dowlada ka soo horjeeda taasoo ay dowlada ula dan laheyd curyaamin dhaqaale in ay ku sameyso kooxaha ka soo horjeeda walow arinkaasi uu noqday mid aan hirgalin

Marsada weyn ee Magaalada Kismaayo ayaa inta badan waxaa ku xoo xirta maraakiib wada shixnado kale duwan iyadoo halkaasi uu dhaqaale xoog badan ka soo galo xoogaga Dowlada ka soo horjeeda gaar ahaan kuwa ka taliya Jubooyinka.

www.keydmedia.net




Warar 25 November 2020 19:57

Madaxweynaha ayaa ku fashilmay siyaasadda, hirgelinta Federaalka, amniga iyo qabashadda doorasho qof iyo qof ah oo uu balan-qaadey markii la doortay 4 sano kahor.