Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Booliska Aduunka Interpol oo gacan ka geysanayay baaritaanka arintan ayaa soo bandhigay sawirada rag la sheegay in ay galaangal ku lahaayeen arintan waxaana dadkan ku jiray nin Soomaali ah.
Dadka Booliska ay sheegeen in arintan la xiriiriyay ayaa waxa ay yihiin laba nin iyadoona ninka kale uu u dhashay Dalka Uganda, waxaana dadkan laga soo dhex helay meydadaka dadkii geeriyooday iyadoona Booliska Maalmihii la soo dhaafay ay baarayeen arintan.
Qaraxyadaasi ayaa waxaa ku geeriyooday dad tiradooda ay kor u dhaafeysay 74 ruux iyadoona dhaawaca intaasi uu ka badanaa, waxaana ku faanay oo sheegtay Dhaqdhaqaaqa ALshabaab ee Dagaalama gudaha Dalka Soomaaliya.
www.keydmedia.net
Add comment
Comments