Odayaal Dhaqameed: Nin Xamar joogaa Hiiraan Maamul uma dhisi karo {Dhageyso}

Beledweyne (KON) - Odayaasha Dhaqanka ee Gobolka Hiiraan, ayaa si aad ah u diiday, ugana soo horjeestay Maamul aysan ka warhayn oo lagu soo dhiso Magaalada Muqdisho.
Warar Keydmedia Online
Odayaal Dhaqameed: Nin Xamar joogaa Hiiraan Maamul uma dhisi karo {Dhageyso}

Xasan Kulmiye Waasuge, oo sheegay in uu yahay Gudoomiyaha Odayaasha Dhaqanka Gobolka Hiiraan, ayaa uga digay Siyaasiyiin jooga Muqdisho inay ka waan-toobaan Qorsho ay ku doonayaan Dhismaha Maamul aan Shacabka Reer Hiiraan ka warhayn.

"Ninka leh Hiiraan ayaa matalayaa ee Xamar ayaan joogaa, waa Nin doonaya in uu Colaad ka dhex abuuro Beelaha Gobolka. Waxaan leeyahay kuwa raba inay dhisaan Maamulka, ha yimaadaan Gobolka oo hala tashadaan Shacabka & Odayaashooda Dhaqanka," ayuu yiri Xasan Kulmiye Waasuge.

Xasan Kulmiye Waasuge, oo la hadlay Radio Goobjoog FM ayaa wuxuu sheegay in Odayaasha Dhaqanka & Maamulka Gobolka hadda ka jira inay leeyihiin Go'aanka Maamul u samaynta Gobolka Hiiraan.

"Dad aan la ogeyn inay u dhasheen Gobolka & inkale oo jiifa Hoteelada Muqdisho marna kama aqbalayno inay afduubaan Mustaqbalka Shacabka Gobolka Hiiraan, hadii Maamul la dhisayo waxaa lagu dhisayaa Gudaha Gobolka oo kaliya," ayuu raaciyay hadlkiisa Xasan Kulmiye Waasuge.

Dowladda Federaalka, ayaa wada hadda qorsho Cusub oo Maamul KMG ah loogu samaynayo Gobolada Hiiraan & shabeelaha Dhexe, iyadoo ay jiraan Diidmo arrimahasi ku aadan.

Keydmedia Online - Xafiiska Muqdisho