NISA iyo Radio Kulmiye oo kala bedashay wareysiga Abukar Cadaan iyo wariye C/laahi Kulmiye

Dowladda Madaxweyne Farmaajo oo u dhaqmeyso qaab 'Rajiim' ayaa dhib weyn iyo caburin ku haysa saxaafadda Soomaaliyeed.

Warar Keydmedia Online
NISA iyo Radio Kulmiye oo kala bedashay wareysiga Abukar Cadaan iyo wariye C/laahi Kulmiye

Wariye C/laahi Kulmiye Caddow oo dib u helay xorriyaddiisa Khamiistii, ayaa Keydmedia Online waxa ay ogaatay sababta lagu siidaayay wariyaha iyo waxa ay Radio Kulmiye sameeyeen.

Idaacadda Kulmiye ayaa markii ay weysay cid ay kala hadasho xarigga wariyaha, waxa ay go'aan ku gaartay in ay sii deyso wareysigii sababay in xabsiga loo taxaabo wariye C/laahi Kulmiye Caddoow.

Radio Kulmiye ayaa ogeysiis ay soo dhigeen barahooda bulshada waxa ay ku shaaciyeen in Khamiistii shalay ay sii deynayaan wareysigii ganacsade Abuukar Cumar Cadaan, kaasi oo ah mid xasaasi ah, islamarkaana waxyaabo badan uu kaga hadlayey.

Fahad Yaasiin ayaa durba go'aan gaaray isaga oo aad uga baqay in wareysigan la daayo, wuxuuna durba lasoo xiriiray maamulka Radio Kulmiye.

Waxa uu u sheegay in ay kala doortaan wareysiga iney daayaan ama in loo soo daayo wariyahooda.

Radio Kulmiye ayaa dooratay siideynta C/laahi Kulmiye, waxaana ay meesha ku joojisay baahintii ay ballanqaadday ee wareysiga.

NISA oo uu hoggaamiyo Fahad Yaasiin ayaa dhibaato badan ku haysa suxufiyiinta Soomaaliyeed.

KEYDMEIDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.