NISA oo xirtay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

Wareysi uu siiyay Idaacadda Kulmiye ayuu ku muujiyay taageeradiisa Kooxda Al-Shabaab: "Shabaab mabda'a ay ku taagan yihiin waan ku taageersanahay". 

Warar Keydmedia Online
NISA oo xirtay Xaaji Abuukar Cumar Cadaan

Nabad Sugidda Soomaaliya ee NISA ayaa xalay xiray Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan, sida ay shaacisay Idaacadda Kulmiye ayadoo kasoo xiganeyso ehellada Ganacsataha. 

Ganacsade Xaaji Abuukar Cumar Cadaan oo taajir ka noqday suuqgeynta Sonkorta iyo qalabka dhismaha ayaa xiran kadib wareysi uu siiyay Kulmiye oo uu ku muujiyay taageeradiisa Kooxda Argagixisadda ee Al-Shabaab. 

Wareysiga oo hordhiciisa ay Kulmiye soo deysay Shalay ayuu Xaaji Abuukar ku baaqay in la "baabi’iyo “gaalada” Xalane ku jirta". 

“...Shabaab mabda’a ay ku taagan yihiin, oo ay jidka ugu jiraan waan teegeersanahay, been sheege nacallaaa ku yaalla, in gaaladan gaafuurada weyn leh ee Xalane ku jirta la baaba’sho waan rabaa, iyo waxa la socda, aniga been kuu sheegi maa...,” ayuu ku yiri Wariyaha Kulmiye. 

Dhamaadkii bishii September, Ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ayaa xabsiga dhigay ganacsato caan ah oo ku sugan magaalada Muqdisho, kadib markii lagu eedeeyey iney xiriir la sameeyeen Al-shabaab.

Ciidamo si gaar ah u tababaran ayaa xabsiga dhigay ganacsato dhowr ah oo ay ka mid ahaayeen Maxamuud Cumar Cadaan oo ah Walaalka Xaaji Abuukar iyo sidoo kale Cadceed Xaashi, kuwaasi oo si aad ah looga garanayo magaalada Mudisho.

Wixii Faah-Faahin ah kala soco Keydmedia Online

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.