Warbixin

Nuxurka Shirka Muqdisho ee Maanta - Is-mariwaa taagan

Keydmedia Online ayaa waxaa soo gaartay nuxurka Shirka Muqdisho ee Dowladda Federaalka iyo Madaxda Maamul Goboleedyada oo goor dhawayd lagu soo kala dareeray maalinkii Labaad.

Warar Keydmedia Online
Nuxurka Shirka Muqdisho ee Maanta - Is-mariwaa taagan

Is-mariwaa ayaa ka taagan Shirka Maalintii labaad uga socda Villa Soomaaliya Madaxweyne Farmaajo iyo Madaxda Maamul Goboleedyada, sida macluumaad ay Keydmedia Online ka heleyso goosha Shirka ay sheegayaan. 

Dooda ugu adag ee u muuqatay in Shirku laba garab yahay waxaa soo jeedisay Maamulka Puntland.

Dooda Puntland salkeedu waxuu ka bilaabanayaa in Dhuusamareeb-3 waxii ka soo baxay aysan waxba ka jirin. Maamulka Puntland ayaa miiska soo saaray dood adag oo dhawr qodob ka kooban, sida Keydmedia Online ay galabta soo qortay

1.In doorashadu ay ku dhacayso wakhtigeeda.

Qodobkaas sida muuqatay cid hadal ka keentay ma jirin.

2. In doorashadu ka dhacayso caasimadaha Dowlad Goboleedyada.

Qodobkaas waxaa ku raacay Jubaland iyo Galmudug ayada oo Koofur Galbeed ay ka aamustay.

2. In Gudiyada doorashada ay dhisanayaan Dowlad Goboleedyada, iyada oo Dowlada dhexe ay wakiil ku yeelanayso iyo in Gudiga hada jira ee heer Fadaraal hogaamisana Xaliimo Yarey lakala diro oo la dhiso mid loo dhan yahay.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulka Jubaland.

3.In wax Xisbiyo la yiraahdo aysan ka qayb galayn doorashada maadaama aysan sharci ahayn oo Madaxweynihiiba uusan Xisbi lahayn.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulada Jubaland, Galmudug iyo Koonfur-galbeed.

4.In Xildhibaanada beesha Isaaq loo madax banneeyo Isimadooda oo aysan Dowlada Fadaraalku fara galin waxayna Puntland goobta ka sheegtay in dacwad ay u keeneen Xildhibaano ay hormuud u yihiin Xuseen Carab Ciise iyo Fawsiyo Xaaji Aadan.

Qodobkaas waxaa ku raacay Puntland maamulka Jubaland.

Doodu halkaas ayay taagan tahay iyada oo Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo uu diidanyahay doodda Puntland hogaaminayso.

Shirka ayaa waxaa loo malaynayaa inuu socon doono sida la saadaalinayo ilaa Todobaadka dambo haddii aan la helin culays saar ka yimaada Daneeyayaasha Siyaasadda Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 29 November 2020 23:38

"Dhaqankan lama filaanka ah ee aan loo baahnayn ee hoggaanka Soomaaliya waa wax u baahan in aan ka fekerno inta aanan ka hadlin. Waxaan si rasmi ah uga jawaabi doonnaa dariiqyada ku habboon dhawaan," ayuu yiri Macharia.