Nuxurka warbixintii James Swan uu maanta siiyay Golaha Ammaanka

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ayaa maanta warbixin kooban Golaha Ammaanka ka siiyay xaaladaha Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Nuxurka warbixintii James Swan uu maanta siiyay Golaha Ammaanka

UNITED NATIONS - Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa maanta shir ka yeeshay xaaladaha Soomaaliya, gaar ahaan doorashooyinka iyo arrimaha bani'aadamnimada, Waxaana warbixinno kooban siiyay Wakiilka Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay, James Swan.

Danjire Swan, ayaa amaan u soo jeediyay dhamaan hoggaamiyeyaasha Soomaaliyeed ee diyaarka u ahaa tanaasulka isla markaana doonayay is afgaradka, wuxuuna xusay in ay wali taagan taahay baahidii loo qavay isku tanaasulka, si dalku u aado doorasho loo dhan yahay.

Dareenka tanaasulka ayaa weli ah arrin degdeg loogu baahanyahay si horay loogu sii socdo,” Ayuu yiri James Swan, oo warbixin koobad oo labo arrimood taabaneysa siiyay Golaha Ammaanka.

Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa u sheegay, in loo baahan yahay Madaxda ku shireysa Caasimadda in ay gaaraan heshiis loo dhan yahay si dalka doorashada looga qabto waqtiga ugu gaaban uguna macquulsan.

Dhanka kale James Swan, wuxuu ka warbixiyay Xaaladda bani'aadannimo ee ka jirta Soomaaliya, wuxuu muujiyay deyro hor leh, isagoo ku baaqay in la garab istaago Soomaalida tabaaleysan.

“Xaaladda bani'aadannimada ee Soomaaliya ayaa ah weli mid aad u liidata, iyadoo in ka badan saddex-meelood meel dadku ay u baahanyihiin gargaar. "Kaliya 19 boqolkiiba Qorshaha Ka-Jawaabidda Xaaladda Bani'aadannimada ee sanadka 2021 ayaa ilaa iyo hadda lacag loo helay… Waxaan ka codsanayaa dowladaha xubnaha ka ah in ay bixiyaan tabarucaad dheeri ah," Ayuu yiri James Swan.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.