OCHA oo ka deyrisay xaaladda abaaraha Somaaliya

Wuxuu xusay in goobaha uu tagay oo ay ka mid yihiin degmooyinka gobolka Gedo, ay OCHA, xaqiijisay in abaaruhu sababeen cudurro daran oo dadka iyo xoolahaba saameeyay.

Warar Keydmedia Online
OCHA oo ka deyrisay xaaladda abaaraha Somaaliya

MUQDISH, Soomaaliya -  Inkastoo roobab ka da’een qeybo ka mid ah dalka, haddana xaaladdaa abaareed ee ka jirta Soomaaliya ayaa ka sii daraysa, sida uu sheegay sarkaal sare oo ka tirsan Qaramada Midoobay.

Ian Ridley, oo ah madaxa xafiiska isku dibba-ridka gargaaka bini’aadantinimada ee Qaramada Midoobay (OCHA), ayaa sheegay in roobabkii ugu dambeeyay aysan ku filneyn dalka, isla-markaana xaaladda abaareed ay kasii dareyso Soomaaliya.

“Roobku meelo kooban oo waddanka ka mid ah ayuu ka da’ay todobaadyadii la soo dhaafay, hayeeshee, roob ku filan ma ahayn, sidaas darteed waxaan ugu yeernaa roobab aad u hooseeya xilliga lagu jiro,". Ayuu sheegay Ridley.

Wuxuu xusay in abaaraha daran ay ka dhasheen roobabkii baaqdey ama yaraa labadii xilli-roobaad ee la soo dhaafay, xilli roobka hadda da’ay uu aad ka hooseeyo xaddigii la filayay ama loo baahnaa, taasoo uu ku macneeyay mid kaga sii dareysa xaaladda abaaraha ee dalka.

Ridley, ayaa sheegay in todobaadyadii la soo dhaafay uu booqanayay qaar ka mid ah meelaha ugu daran ee ay abaaruhu saameeyeen, wuxuuna xusay in ceelal gacmeedku ay bilaabeen inay guraan, taasoo kordhinaysa baahida ceelasha dhaadheer.

"Guud ahaan helista biyuhu aad iyo aad ayay u hooseeyaan, waxaana natiijadu tahay in xoola-dhaqatada ay xoolahooda la guurayaan iyagoo biyo raadinaya,". Ayuu yiri.

Wuxuu xusay in goobaha uu tagay oo ay ka mid yihiin degmooyinka gobolka Gedo, ay OCHA, xaqiijisay in abaaruhu sababeen cudurro daran oo dadka iyo xoolahaba saameeyay.

Ridley, ayaa sheegay in xogta hordhaca ah ay muujineyso in ku dhawaad 3 milyan oo Soomaali ah ay si daran u saameysay abaartu, in ka badan 100,000 oo qofna ay ka guureen guryahoodi si ay biyo u raadsadaan.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Xil-gaarsiinta, Maxamed Xuseen Rooble ayaa bishii hore ku dhawaaqay in dalku galay xaalad degdeg ah oo bini’aadantinimo, sababo la xiriira abaaraha daran ee ku dhuftay bartamaha iyo koofurta Soomaaliya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.