Natiijadii barista Dilkii Sh. Cali Dheere oo muran ka taagan

Odayaasha dhaqanka gobolka Mudug oo maanta shir ku yeeshay magaalada Gaalkacyo ayaa qaadacay natiijadii shalay kasoo baxday guddigii baarayay dilkii AUN Marxuum Sheekh Cali Dheere

Warar Keydmedia Online
Natiijadii barista Dilkii Sh. Cali Dheere oo muran ka taagan

GAALKACYO, Soomaaliya - Wax-garadka iyo Odayaasha dhaqanka Gobolka Mudug ayaa si buuxda u qaadacay natiijadii uu shalay ay soo bandhigeen guddigii loo xil saaray baarista kiiskaasi ee uu warbaahinta ka hor akhriyay Gaashaanle Muumin. 

Odayaasha ayaa sheegay in natiinadaasi ay ahayd natiijo aan waafaqsanayn sharciga iyo habraacii baaritaanka ee guddigu uu waday, waxayna si buuxda uga hor yimaadeen warbixinta lagu sheegay sida ay wax u dhaceen iyo cidda geysatay falka.

Odayaasha dhaqanka ee goobta ka hadlay ayaa waxay sheegeen in natiijadii shalay laga soo saaray dilkii AUN Sheekh Cali Dheere ay ahayd mid la isku khilaafsanaa, waxayna sheegeen in xoghayaha guddigaasi uu u sheegay inuusan waxba ka ogeyn wixii uu shalay warbaahinta ka hor akhriyay guddoomiyaha guddigaasi gaashaanle Mu'min Xuseen.

Waxay sheegeen in ay jiraan waxyaabo la daboolayo, sidaasi daraadeedna aysan marnaba aqbali doonin natiijada, iyagoo farriin gaara udiray madaxweyne Qoorqoor oo dusha saartay mas'uuliyadda howshaasi, bulshada magaalada Gaalkacyana uballan qaaday in Sheekh Cali Dheere uu heli doono caddaalad.

Odayaasha ayaa baaq adag u diray Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor oo isagu markii hore baaritaanka mas’uuliyaddiisa qaatay, waxayna odayaashu ku doodayaan in aysan sax ahayn habka baarista loo maray, waxayna codsadeen in mar kale dib loogu noqdo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 July 2021 15:48

Duqeymaha waxay u diidayaan Al-Shabaab inay hesho fursad ay isku abaabusho, oo ay ku qorsheyso weeraro, kuna tababarto dagaalyahanno cusub, dhanka kale, Mareykanka ayaa duqeymihii uu Soomaaliya ka geystay sanadihii lasoo dhaafay ku laayay shacab badan oo rayid ah.