Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Odayaasha waxaa ay sheegeen in Ilaa 10-qodob oo ku jira Dastuurka ay yihiin kuwa aan ku habooneyn Diinta iyo Qaranimada umadda Soomaaliyeed islamarkaana ay wanaagsan tahay in gabi ahaanba meesha laga saaro.
Ugaas Xuseen Ugaas Maxamed Qorane oo kamid ah odayaasha dhaqanka ee ku shiraya Muqdisho ayaa sheegay in isagoo ka hadlaayay kullan ay isugu yimaadeen odayaasha dhaqanka in odayaasha dhaqanka ay si aad ah uga soo horjeedaan qodobka todobaad faqradiisa saddexaad oo ku saabsan xuduudaha Soomaaliya.
"Dastuurka Cusub Waxaa Ku Jira 10-Qodob Oo Aan Ku Habooneyn Diinta Islaamka iyo Qaranimada Soomaaliya, Waana Diidnay, annagu umada uma hor seedeyno waxa aysan ogaleyn Diinta Islaamka, lagamana yaabo inaan ogalaano,"ayuu yiri Ugaas Xusen.
Ugu dambeyntii 21-Bishan ayaa lagu wadaa in magaalada Muqdisho uu ka furmo shirweyne lagu ansixinayo Dastuurka,waxaana weli taagan muran ka jira qodobada qaar oo ku jira Dastuurka islamarkaana odayaasha dhaqanka ay si ,aad ah uga biyo diidsan yihiin.
Keydmedia.net - Xafiiska,Muqdisho
Add comment
Comments