Odayaasha Sh.hoose “Waan ka hortageynaa dhibaatada Deegaanka”

Qaar ka mid ah odayaasha ku nool gobalka Sh.hoose oo kulan uu uga soconaya Degmada Afgooye ee gobalkaasi ayaa waxa ay sheegeen in ay ku dadaali doonaan sidii ay u bad baadin lahaayeen deegaanka.
Warar Keydmedia Online
Odayaasha Sh.hoose “Waan ka hortageynaa dhibaatada Deegaanka”


" Waxaa aad u soo batay dadka dhibaateynaya deegaanka, waxa ay wataan qalab casri ah oo si dhaqsa ah u jaraya dhirta marka waxaan go'aansanay in aan ka ka hortagno" sidaa waxaa yiri Nabadoon Xuseen Xasan Gureey oo ka mid ah nabadoonada deegaanka.

Inkastoo Sanadihii u danbeeyay deegaanka uu dhibaato badan la kulmayay ayaa hadana mudooyinkan danbe waxaa aad u soo kordhayay talaabooyinka lagu daryeelayo deegaanka kuwaa oo ay qaadayeen maamul deegaameedyada qaarkood.

www.keydmedia.net