Odowaa oo difaacey tallaabada Ciidanka lagu geeyay Beledweyne

Taliyaha ayaa sheegay in Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha aysan hoos-tagin militeriga, islamarkaana aysan wax ka waydiinaynin howlgallada ay qabanayaan.

News Keydmedia Online
Odowaa oo difaacey tallaabada Ciidanka lagu geeyay Beledweyne

MUQDISHO, Soomaaliya - Jen Odowaa Yuusuf Raage ayaa difaacay tallaabada Farmaajo Ciidanka ku geeyay magaaladda Beledweyne Arbacadii, kuwaasoo lagu boobayo doorashadda.

Wareysi uu siiyay VOA-da ayuu ku sheegay Jen Odowaa in Militeriga howlgallada uu qaado iyo dhaq-dhaqaaqyada uu sameeyo aysan fasax u waydiisanaynin Wasiirada Arrimaha Gudaha iyo Amniga.

Wuxuu Jen Odowaa xusay in ujeedka Ciidanka loo geeyay Beledweyne ay tahay la dagaalanka argagaxisadda, islamarkaana ay lamid tahay magaalooyinka kale ee laga saarayo Kooxda Al-Shabaab.

Taliyaha Ciidanka ayaa meesha ka saarey in wax talo ama go'aan ah ay howlgallada militeriga ku leeyihiin Wasiiradda Amniga iyo Arrimaha Gudaha, oo uu sheegay in ay u taallo shaqooyin kale.

Odowaa ayaa la rumeysan yahay inuu kamid yahay shaqsiyaadka ku dhaw Farmaajo, oo si toos ah amarka uga qaato, maadaama uu dalacsiiyay isagoo da'yar ka dhigay Jeneraal militari.

Gollaha Wasiiradda ayaa kulankoodii Khamiis laha ku baaqey in si deg deg ah Ciidanka looga soo saaro Beledweyne, laguna celiyay xeryahooda markii hore laga soo bixiyay.

Madaxweynihii hore ee HirShabeelle Maxamed Cabdi Waare ayaa sheegay in intooda badan askarta la geeyay Beledweyne ay yihiin dhallinyaro kasoo jeeda Beesha Farmaajo ka dhashay.

Jen Biixi, taliyaha Ciidanka lugta oo u dhashay isna Mareexaan ayaa hogaaminaya askarta la geeyay Beledweyne, halkaasoo isaga kasoo wadey dhawaan Jen Xuud.

Waare ayaa u sheegay Farmaajo inuusan ku qabsan karin Beledweyne 150 askari oo Muqdisho diyaarado looga soo qaadey, maadaama shacabka isku duuban yihiin.

Ciidanka oo boqolaal askari gaaraya ayaa qaadistooda timid xili Daacish canshuur kusoo rogtay Suuqa Bakaaraha, oo qeybo kamida xiran maalintii 3aad.

Ciidanka ayaa loogu baaqey inay faraha kala baxaan siyaasadda, islamarkaana diiradda saaran la dagaalanka argagaxisadda. Horey ayay u jireen baaqyadan oo kale, balse ma hirgelin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.