Oksijiin la’aan ka jirta Isbitaalada Muqdisho

Waxaa isbitaalada Magaalada Muqdisho soo food saartay Oksijiin yari waxaana la saadaalinyaa khatar xooggan oo ku soo wajahan dalka gaar ahaan dadka uu soo rito cudurka COVID-19.

Warar Keydmedia Online
Oksijiin la’aan ka jirta Isbitaalada Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya – Waxaa gabaawsi ah Oksijiinka yaalla Isbitaalka Martiini oo ah goobta kaliya oo Dowladdu ugu tala gashay in lagula tacaalo dadka uu ku dhaco cudurka safmarka ah ee Coronavirus.

Sidoo kale guud ahaan Isbitaalada Magaalada Muqdisho ayaa ka cabanaya Oksijiin la’aanta jirta waxaana xogtu sheegeysaa in ay kor u kacday dhimashada dadka u geeriyoonaya Coronavirus saacadihii la soo dhaafay.

Ilo xog ogaal ah ayaa Keydmedia Online u xaqiijiyay in halkii warshad ee magalaada Muqdisho oo dhan isbitaalada ku yaalla Oksijiinka siineysay ay ciladowday taas oo xaaladda sii murjisay.

Waxaa magaalada is qabsaday hadal heyn xooggan oo ku saabsan sare u kaca dadka uu soo ridanayo Coronavirus, halka Isbitaal Martiini uusan buuxun karin baahida loo qabo la tacaalidda cudurkaan.

 Wasaaradda Caafimaadka ayaa is ku howsha in ay Oksijiinka ka keento dibadda mid lagu deeqo iyo mid ay iibsataba, waana boos ay buuxin karto warshadda hadda hallwday taas oo haddii awoodda la isugu geeyo soo saari karta Oksijiin ku filan magaalada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.