Taaliye Saadaq John oo is hortaagay fadhigii Baarlamanka
Odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin ka soo jeeda Maamulka Jubbaland ayaa cabsho ka dhan ah Axmed Madoobe u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federaalka iyo Dib-U-Heshiisiinta XFS.
MUQDISHO, Soomaaliya -, Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha, Federalka iyo Dib-u-hishiisiinta XFS Jeneraal Mukhtaar Xuseen Afrax, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay odayaal dhaqameed iyo siyaasiyiin gadood ah oo ka soo jeeda degaannada Jubbaland waxayna u gudbiyeen cabasho ay ka qabaan Madaxweynaha Maamulkaas.
Madaxwenaha Dowlad Gobolkeedka Jubbaland, Axmed Maxamed Islaam, ‘Madoobe’ ayaa la kulmaya cadaadis xooggan oo kaga imaanaya beelaha dega Jubbaland, kadib markii uu dhawaan gacantiisa ka baxay Gobolka Gedo.
“Odayaal dhaqameedka beelaha dega Julabaland iyo siyaasiinta ka soo jeeda maamlkaas ayaa u gudbiyay Wasiirka Wasaaradda cabashooyin ku aaddan sida ay ku dhisantahay Dowlad Goboleedka Jubaland”. Ayaa lagu yiri war ka soo baxay Wasaaradda arrimaha gudaha ee Dowladda Fadaraalka.
Odayaashaan cabashada u gudbiyay Wasiir Mukhtaar ayaa sheegay in ay doonayaan “maamul lagu dhiso si wada ogal ah, damaanad qaadi kara nabad galyadooda iyo isku haynta wada jirkooda iyo horumarkooda, shacabka ku dhaqan maamulka Jubaland”.
Waraaq ka soo baxday Madaxtooyada Soomaaliya 14-kii Jun 2020, ayaa Axmed Madoobe loogu aqoon saday Madaxweyne ku meel gaar ah oo muddadiisu ku eg tahay labo sano, hayeeshee Madoobe ayaa middaas gaashaanka u duruuray.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments