Oromada ku dhaqan Hargeysa oo ka cabaneysa takoor bulsho

Dadka ka soo jeeda Itoobiya ee ku dhaqan Soomaaliland, ayaa ka cabanaya takoor bulsho iyo beegsi gaar ah, waxayna dhigayaan bannaan-bax galay maalintii labaad.

Warar Keydmedia Online
Oromada ku dhaqan Hargeysa oo ka cabaneysa takoor bulsho

HARGEYSA, Soomaaliland - Dadka ka soo jeeda qowmiyadda Oromada ee Itoobiya kuna nool Soomaaliland, ayaa maalintii labaad banaanbax cabasho ah ka dhigaya magaalada Hargeysa ee xarunta gobolka Maroodi-jeex.

Dibad-baxaaasha ayaa ka cabanaya cadaadis kaga yimid dhanka Bulshada Soomaaliland, kadib markii lagu eedeeyay in ay carruurta xadaan, qaarkoodna qabaan cudurro ku qasbaya in ay dhiigga dadka cabaan.

Mudaharaaadayaashu waxa ay sheegeen inay cabsi ka qabaan in dhib loo gaysto, isla-markaana awoodi la’yihiin in ay magaalada u soo baxaan, waxayna Dowladda iyo hay’adaha qaxootiga ka codsadeen in arrinkooda wax laga qabto.

Inta badan Soomaaliland ayaa lagu arkaa dad ka soo jeeda Oromada, waxayna qeybo ka mid ah si weyn ugu milmeen bulshada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.