Prof Jawaari iyo Prof Galayr oo Isugu Soo Haray Warega Ugu Dambeeya Ee Doorashada G/ Baarlamaanka

Muqdisdho (KON)- Kadib markii ay suura gali wayday in wareega koobaad lagu soo gabagabeeyo doorashada Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa goordhowayd lagu dhawaaqay natiijada wareega koowaad ee doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya, xubnaha Baarlamaanka ee codeeyey waa 236-mudane, 234-kamid ah ayaa codeeyey, waxaa codadkoodu halaabeen labo Xildhibaan oo aan la qaadanin codadkooda.
Warar Keydmedia Online
Prof Jawaari iyo Prof Galayr oo Isugu Soo Haray Warega Ugu Dambeeya Ee Doorashada G/ Baarlamaanka

Musharixiinta ayaa codadka ukala helay sidan.

Prof: Cusmaan Maxamed Jawaari oo helay 119-cod

P rof: Cali Khaliif Galayr oo helay 77-cod

Xassan Abshir Faarax oo helay 5-cod

Xaashi Cabdi Xaashi oo helay 23-cod.
C/rashiid Maxamed Xidig

Waxaa tanaasulay oo sheegay in uu tartanka isaga haray Xassan Abshir Faarax iyo Cabdirashiid Xidig labaduba waxay codadkooda siiyeen Xildhibaan Maxamed Cusmaan Jawaari.

Intaasi marka ay dhacday kadib ayaa waxaa Gudoomiyaha Baarlamaanka KMG ah  Gen Muuse Xassan Cabdulle uu ku dhawaaqay in la wajahaayo wareegii ugu dambeeyay ee doorashada Baarlamaaka Soomaaliya, isagoona intaasi ku daray in la dhaarinaayo Xildhibaanadii ay maanta maxkamadda sare go’aamisay in ay kamid yihiin Baarlamaanka Soomaaliya ee ay horay ugu diideen guddiga farsamada.

Dhaarta xildhibaanada hadda madasha ku soo biiray kadib ayaa waxaa la filayaa in laguda galo wareega ugu dambeeya ee doorashada, ayadoon intaasi kadib uu mid kamid ah Jawaari iyo Galeyr uu noqon doono Gudoomiyaha xaqa ah ee Baarlamaanka Soomaalia.

Mar walba iyo meel kasta kala soco [url=http://www.keydmedia.net]http://www.keydmedia.net[/url]

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho