Puntland iyo Jubbaland oo soo dhaweeyay mowqifka GM H/Shabeelle

Maamullada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhaweeyay war saxaafadeed ka soo baxay  Maamullada Galmudug iyo HirShaeelle, kaas oo lagu diiday muddo kordhinta loo sameeyay Farmaajo

Warar Keydmedia Online
Puntland iyo Jubbaland oo soo dhaweeyay mowqifka GM H/Shabeelle

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamul goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa soo dhaweeyay, war murtiyeedyadii ka soo baxay Xaafiiska Ra’iisul Wasaaraha iyo Maamullada Galmudug iyo HirShaeelle, kuwaas oo looga soo hor jeestay muddo kordhintii loo sameeyay hay’adaha Dowladda 12 April 2021.

Puntland iyo Jubbaland, waxa ay ku baaqeen in dib loo billaabo wada hadallada si loo dhameystiro heshiiskii doorashada ee 17-kii September 2020, lagu gaaray Muqdisho.

Maaamulka Koofur galbeed, ayaa loogu baaqay in ay ajiibaan dalabka Sii-hayaha Xilka Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, kaas oo ahaa in ay diidaan damaca muddo kordhnta.

Maamulladu waxa ay muujiyeen sida ay ugu xun yihin dhacdoyinkii ka dhacay magaalada Muqdisho, waxayna u tacsiyeeyeen dadkii wax yeelladiu ka so gaartay.

Dhinacyada ayay ugu baaqeen, in ay is xakameeyaan, waxayna bogaadiyeen dadaallada beesha caalamka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].