Puntland & Jubbaland oo iska fogeeyay eedda Dowladda

Shir jaraa'id oo ay si wada jir u qabteen maamullada Jubbaland iyo Puntland ayey dhinacooda iska fogeeyeen eedda fashilka shirkii Afisiyooni ee Wasiir Dubbe usoo jeediyay

Warar Keydmedia Online
Puntland & Jubbaland oo iska fogeeyay eedda Dowladda

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamullada Jubbalamd iyo Puntland ayaa si wada jir ah uqabtay shir jaraa'id waxayna iska fogeeyeen eed uu usoo jeediyay sii hayaha wasiirka wasaaradda warfaafinta Cismaan Dubbe isagoo si gaara labada maamul ugu eedeeyeey in ay carqaladeeyeen shirkii maalmahan ka socday Xerada ciidamada cirka ee Afisiyooni.

Labada maamul ee Jubbaland iyo Puntland ayaa war kasoo saaray shirkii Afisyooni uga sacaday Dowladda dhexe iyo Dowlad Goboleedyada dalka.

Shirka jaraa'id waxaa saxaafadda u akhriyay Wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdullaahi Cali Xirsi (Timo-cadde) waxaana looga jawaabay eedda loo jeediyay labada maamul ee ah in ay sabab u yihiin fashilka ku yimid wadahadalladii Afisyooni.

Labada maamul ayaa iska fogeeyay eedda dowladda, waxaana lagu sheegay war-saxaafadeedka in Jubbaland iyo Puntland aysan ogayn shir fashilmay, waxaana ay sheegeen Madaxweyne farmaajo uu maanta shirka  soo xiray si wadatashiyo ay u soo sameeyaaan madaxda ka qayb galaysay shirka, hasayeeshee waxaa Dowladda dhexe ay shaacisay in shirkii fashilmay, intii lagu maqnaa Nasiinada.

Dhanka kale siyaasiinta ka aragtida duwan madaxweyne Farmaajo iyo maamulkiisa ayaa waxay sheegeen in shirka Jaraa'id ee wasiir Dubbe iyo qoraal lagu soo daabacay warbaahinta dowladda horay loo sii diyaariyay iyagoo Farmaajo ku eedeeyay inuu u gogol xaaranayo sidii uu useeta dheereesan lahaa.

Halkan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka wada jirka ah ee Puntland iyo Jubbaland.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.