Puntland oo Awood ciidan u adeegsaneysa socodsiinta Shilin Soomaaliga

Ciidamada ka tirsan kuwa Puntland ayaa lagu daadiyay magaalada Boosaaso si ay shacabka ugu qasbaan qaadashada lacagta Shilin Soomaaliga oo horay loo diiday.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo Awood ciidan u adeegsaneysa socodsiinta Shilin Soomaaliga

BOOSAASO, Soomaaliya - Magaalada Boosaaso oo ah magaalo ganacsi oo ay maamusho Puntland ayaa waxaa lagu daadiyay suuuqyada magaaladaasi ciidamo ku qasbaya shacabka qaadashada lacagta Shilin Soomaaliga, xilli magaalada laga diiddan yahay qaadashada lacag Soomaaliga.

Maamulka Puntland ayaa tallaabadan qaaday kaddib markii uu cirka isku sii shareeray Sicir-barar xooggan kaasoo saameeyay dabqadaha kala duwan ee dadka reer Puntland, maamulka ayaa isku dayay tallaabo kasta ee uu u arkayay inuu ku xakameyn karo, ilaa ugu dambeyn ay noqotay in si qasab ah gacanta loola galo suuqleyda, lagun qasbo dadka lacagta shilin Soomaaliga ah oo ay iska diideen qaadashadeeda.

Magaalada Boosaaso waxaa ka dhacay isku soo bax looga soo horjeedo go'aan uu madaxweyne Deni kusoo jeediyay in kastam -yada iyo dekadda weyn ee Boosaaso aan laga qaadin lacagta Shilin Soomaaliga, waxayna shacab careysan ay isugu soo baxeen waddooyinka iyagoo maamulkooda ugu baaqay in marka hore ay lacagta socodsiiyaan, dadweynahana ay canshuurta ku bixiyaan Shilin Soomaaliga,

Tallaabadan ay qaadeen ciidamada ammaanka ee ku aaddan xoog ku socodsiinta lacagaha Shilin Soomaaliga waxay u muuqataa mid aan waxba soo kordhin doonin, inta xafiisyada dowladda ee laga mamnuucay lacagaha Shilin Soomaaliga wax laga baddalayo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.