Puntland oo fashilisay weerar argagaxiso

Ciidamaa dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay baajiyeen weerar qorsheysnaa oo ay soo maleegeen kooxda Al-Shabaab kaasoo la doonayay in lagu weeraro saldhigyo iyo xarumo ciidan oo Galgala ku yaal.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo fashilisay weerar argagaxiso

GAROWE, Soomaaliya - Taliska Ciidamada difaaca dowlad goboleedka Puntland ayaa waxay ka hortageen weerar Al-Shabab ay doonayeen inay ku qaadaan saldhig ay ku sugan yihiin Ciidamada Puntland oo ku yaal deegaanka Galgala

Gaadiid ka kooban dameero iyo awr oo siday sahay ay lahaayeen Al-Shabaab ayaa laga hor tagay, waxaana baxsaday kooxihii la socday sahayda oo markii dambe gacanta lagu dhigay sida ay sheegeen ciidamada maamulka Puntland oo sheegay in ay ku raad-joogaan kooxihii waday sahayda ee damacsanaa weerarka.

Ciidamada PSF, PMPF iyo ururka Dhiiranayaasha ee ciidamada Daraawiishta Puntland ee Galgala ayaa ku guulaystay in ay ka hortagaan weerar gaadmo ah oo ay Al Shabaab ku doonayeen in ay ku qaadaan saldhigyada ciidamada difaaca Puntland ee Galgala , waxayna ciidamadu soo qabteen sahay iyo gaadiidkii ay Al Shabaabku  wateen kana ka carareen oo iskugu jiray dameero iyo awr" 

Kooxda Al-Shabaab ayaa waxay weerarro qorsheysan ka geystaan Soomaaliya iyo guud ahaan geeska Afrika, waxayna intooda badan qaadaan weeraro isugu jira kuwo ku-dhufo oo ka-dhaqaaq ah iyo qaar ismiidaamin ah oo ay fuliyaan naftood-halligayaal aan unixin shacabka, meesha ay doonaana isku qarxiya.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.