Puntland oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay Gaalkacyo

Arintaan ayaa timid kadib markii taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland iyo sarkaal kale lagu dilay howlgal ay ka wadeen gudaha magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay la galeen Maleyshiyo hubeysan oo ku sugnaa Wershadda Kabista Gaalkacyo.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay Gaalkacyo

MUQDISHO, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa ciidamadii ugu badnaa soo dhoobtay waqooyiga magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug, halkaas oo ay howlgallo qorsheysan ka sameyn doonaan.

Madaxweynaha maamulka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa amray in ciidamo ka badan 200 askari iyo gaadiid dagaal oo cusub lageeyo magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in ay ku suganyihiin koox ka ganacsato waxyaabaha maanka dooriyo, oo dhawaan dagaal la gashay ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland.

Ciidamadaan Gaalkacyo la geynayo ayaa laga soo saarayaa jiida hore ee deegaanka Tukaraq oo ay isku hor fadhiyaan Puntland iyo Somaliland, waxaana ciidamadaan xagga tababarada, saadka iyo taakuladuba ka saacido dawladda Imaaraatka Carabta.

Ciidamadan ayaa howlgallo ka sameyn doona magaalada Gaalkacyo iyo deegaamooyinka gobalka Mudug, waxaana wararku cadeynayaan in ay wax ka qabanayaan kooxo lagu sifeeyey in ay Maandooriye isticmaalaan, islamarkaana dhibaato ku hayaan bulshada ku dhaqan gobolka.

Madaxweyne Deni ayaa shalay u sheegay waxgaradka gobalka Mudug , in ay hubka magaalada iskugu geyn doonan gacanta dawladda, ayna tahay in loo hogaansamo amarada ciidamada, waxaana waxgaradka saxiixeen in laga qaado talaabo ciidan, oo aan dawladda loo raacan doonin, cid kasta oo nabadda ka hortimaada.

Arintaan ayaa timid kadib markii taliyihii ciidamada ilaalada madaxtooyada Puntland iyo sarkaal kale lagu dilay howlgal ay ka wadeen gudaha magaalada Gaalkacyo, kaas oo ay la galeen Maleyshiyo hubeysan oo ku sugnaa Wershadda Kabista Gaalkacyo.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.