Puntland oo ciidan u adeegsaneysa socodsiinta Shilin Soomaaliga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa awood ciidan u adeegsanaya socodsiinta lacagaha Shilin Soomaaliga oo baryihii u dambeeyay laga diidanaa magaalooyinka waa weyn ee maamulkaasi

Warar Keydmedia Online
Puntland oo ciidan u adeegsaneysa socodsiinta Shilin Soomaaliga

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland ayaa la daalaa-dhacaya sidii uu ku socodsiin lahaa lacagaha Shilin Soomaaliga ah oo la iska diiday gabi ahaanba, waxaana maamulku uu markan adeegsanayaa awood ciidan iyadoo waddooyinka waa weyn ee suuqyada soo gala magaalooyinka Punland lagu daadiyay ciidamo fara badan.

Waxaa lagu wargaliyay ganacsatada iyo cis kasta oo ku sugan Puntland in ay u hoggaansamaan amarka maamulka kasoo baxay kaasoo ku aadan qaadashada lacagaha Shilin Soomaaliga.

Ciidamada Booliska iyo kuwa dhar-cadka dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu daadiyay suuqyada, waxayna ciidamada qaar wataan lacagaha Shilin Soomaaliga oo ay kaga dukaameysanayaan suuqyada iyagoo qofkii diida xabsiga utaxaabaya.

Puntland ayaa la daalaa-dhacaysa sicir barar iyo diidmada lacagaha Shilin Soomaaliga taasoo sababtay in qaar kamida dadka dan-yarta ah ee ku dhaqan deegaanadaasi in ay ku adkaato nolosha, maamulka ayaa ugu dambeyn adeegsanaya awood ciidan taasoo sababi karta in albaabada loo laabo ganacsiyada.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.