Puntland oo eed usoo jeedisay DF

Maamulka Puntland ayaa dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeysay in ay joojiyeen dhismaha waddo laami ah oo udhaxaysa magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso

Warar Keydmedia Online
Puntland oo eed usoo jeedisay DF

NUGAAL, Soomaaliya - Guddoomiyaha gobolka Nugaal Cawil Axmed Jabuuti ayaa madaxda dowladda dhexe ee Soomaaliya ku eedeeyay in ay caqabad ku noqdeen dhismaha waddada isku xirta magaalooyinka Garowe iyo Boosaaso.

Guddoomiye Cawil ayaa ku eedeeyay madaxda dowladda Soomaaliya in ay diideen in ay dib ugu soo laabtaan deegaanadii ay howsha ka wadeen ee Puntland injineero Ajaanib ah oo dhisayay wadada, kuwaas oo markii hore ka dhoofay dalka sababo la xiriira Caabuqa saf marka ah ee adduunka oo dhan halakeeyay ee Covid-19.

Guddoomiye Cawil ayaa yiri "Waxaa xaqiiqo ah in dowladda federaalka caqabad ku noqotay dhismaha wadadan oo ay diiday in ay soo noqdaan injineeradii ka shaqeynayay, waxaana markhaati ah gaadiidka gadaasheena yaalla oo ahaa kuwii ay ku ay shaqeynayeen howlwadeenadii shirkaddii Shiineyska ahayd ee qandaraaska dhismaha wadada heshay oo xiligii uu caalamka ka dhacay Coronavirus dib ugu noqday dalkoodii

Guddoomiyaha ayaa sheegay in hadda la qorsheeyay in waddada lagu dhiso isku tashi, maadaama la hakiyay howshii dhismaha oo sida uu guddoomiyuhu sheegay in la siyaasadeeyay mashruucii dhismaha waddada laamiga ah ee isku xirta xarunta dowlad goboleedka Puntland ee Garowe iyo magaalada Boosaaso.

Madaxda dowladd dhexe ee Soomaaliya iyo madaxda sare ee maamulka Puntland ayaa isku fahmi la' arrinta la xiriirta doorashada Soomaaliya oo muran xoog lihi ka taagan yahay. 

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 May 2021 9:42

Dhowrkii sano ee ugu dambeeyay, dad lagu qiyaasay 2.6 million oo baaralay u badan ayaa kasoo barakacay degaanadooda ku yaalla labada gobolka ee caanka ku ah Beeraha [Shabeellaha Hoose iyo Shabeellaha Dhexe].