Puntland oo go’aan kale kasoo saartay diidmada Shilinka Soomaaliga

Maamulka Siciid Deni ayaa horay isugu dayay tallaabooyin uu ku xakameynayo sicir-bararka islamarkaana wax looga qabanayo qaadasha la'aanta ku timid lacagaha shilin Soomaaliga ah taasoo aan ilaa iyo hadda wax muuqda laga qaban.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo go’aan kale kasoo saartay diidmada Shilinka Soomaaliga

Maamulka Puntland ayaa go'aan degdeg ah kasoo saartay diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah iyo sidoo kale xiisadda kacsanaanta ah ee ka jirta deegaannada maamulkaasi.

Madaxweynaha Maamulka Puntland, Saciid C/laahi Deni ayaa sheegay in wixii maanta oo Axad ah ka bilowda lacagaha canshuurta ee dekadda lagu qaadi doono %10 shilin Soomaali.

Sidoo kale Deni ayaa sheegay in dhammaan shirkadaha isgaarsiinta la faray in lacahaga la isugu diro Taleefannada aan la diri karin wax ka yar $10, si loo xakameeyo diidmada lacagta shilinka Soomaaliga.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland oo ka hadlay dibadbaxii shalay ka dhacay Garoowe ayaa sheegay in dadkaasi aanay ahayn kuwo arrimaha lacagaha ka dibadbaxayey balse ay ahaayeen kuwo dano kale fulinayey oo siyaasadeed waa sida uu hadalka u dhigaye.

Bannaan-baxyo rabshado wata ayaa shalay ka dhacay Garoowe, kuwaasoo dadka deegaanku ku diiddan yihiin sicir-bararka wax laga qaban waayay ee kusii faafaya dhulka Puntland ay maamusho

Magaalada Garowe waxaa joogsaday gabi ahaanba qaadashada lacagta shilin Soomaaliga, iyadoo magaalooyinka kale sida Boosaaso horay looga diiday lacagaha shilin Soomaaliga loogana dhigay bannaan-baxyo waa weyn ayaan ilaa iyo hadda aysan jirin wax isbadal ah oo ku yimid arrintaasi.

Maamulka Siciid Deni ayaa horay isugu dayay tallaabooyin uu ku xakameynayo sicir-bararka islamarkaana wax looga qabanayo qaadasha la'aanta ku timid lacagaha shilin Soomaaliga ah taasoo aan ilaa iyo hadda wax muuqda laga qaban.

Puntland ayaa illaa iyo hadda waxa ay la daalaadhacaysaa xallinta diidmada lacagta shilinka Soomaaliga ah.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.