Puntland oo ka hortageysa weeraro

Sida ay shaaca ka qaadeen laamaha ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland waxay ku raad joogaan kooxo amniga Puntland carqalad ku ah oo doonaya in ay falal argagaxiso ka geystaan magaalada Boosaaso

Warar Keydmedia Online
Puntland oo ka hortageysa weeraro

BOOSAASO, Soomaaliya - Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa ka wada magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari dhaqdhaqaaqyo ciidan kuwaasoo ay sheegeen in ay ku raad joogaan kooxo khal-kal galinaya ammaanka Puntland.

Ciidamada loo yaqaan PSF ayaa sheegay in ay howlgallo ka wadaan waddooyinka waa weyn ee magaalada Boosaaso iyo qaar kamida xaafadaha ku yaal magaalada, waxaana howlgalkan lagu sheegay mid looga hortagayo falal amni darro oo laga cabsi qabo in ay geystaan kooxda Al-Shabaab ee ka dagaallanta Soomaaliya.

Ciidamada Amniga Puntland (PSF) ayaa sameeyey hawlgal lagu raadinayey shakhsiyaad ka tirsan kooxaha argagixisada ah oo doonaya in ay falal argagixisanimo ka geystaan magaalada Bosaso ayaa lagu yiri” ayaa lagu yiri war qoraala oo kasoo baxay ciidama PSF

Ciidamada ayaa farriin udiray shacabka ku dhaqan magaalad Boosaaso iyo guud ahaan Puntland iyagoo ka codsaday in ay kala shaqeeyaan sidii looga hortagi lahaa falalka argagaxisada, waxayna ku ammaaneen doorkooda ku aaddan la shaqeynta laamaha ammaanka.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.