Puntland oo lugaha la gashay khilaaf & Deni oo ka tagaya

Maamulkan ayaa waxaa la degay amni darro iyo musuq-maasuq, iyadoo Deni uu qorsheynayo inuu u tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya sanadkan.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo lugaha la gashay khilaaf & Deni oo ka tagaya

GAROWE, Soomaaliya - Maamulka Puntland, ee uu hogaamiyo Saciid Deni ayaa wajahaya khilaaf xoog leh oo ka dhashay doorashadda Dowladaha Hoose ee la filayo 25-ka Oct 2021.

Khilaafka cusub, ayaa yimid kadib markii Ururo siyaasadeed oo ka jira Puntland qaarkood ay dalbadeen in dib loo dhigo doorashadda, taasoo Gudiga KMG ee doorashadda TPEC uu diiday.

Xisbiyada oo uu kamid yahay mid Deni hogaamiyo, ayaa ku doodaya inaysan heysan dhaqaale ay ku galaan doorashadda, islamarkaana ay u baahan yihiin waqti ku filan, oo ay ku diyaar-garoobi karaan.

TPEC waxay sheegtay in doorashadda dowladaha Hoose ay ku dhici doonto waqtigii loogu tala-galay, islamarkaana aaney jirin doonin wax dib u dhac ah, taasoo ka dhalatay kala-qeybsanaan.

Doorashaddan oo Puntland filayso inay noqoto midii ugu horeysay oo qof iyo cod ah, ayaa la dhacaysa qeybo kamid ah Maamulka, waxayna TPEC ka qaban doontaa Eyl, Ufeyn iyo Qardho.

Dhanka kale, xogo KON heshay ayaa sheegaya in Deni uu rabo inuu ka tago Puntland, si uu ugu tartamo xilka Madaxweynaha Soomaaliya doorashadda bisha October 2021.

Deni oo weli Musharaxnimadiisa ku dhawaaqin ayaa kamid ahaa Musharixiintii la tartamay Farmaajo Feb 2017, isagoo kasoo nqoday dowladii Xasan Sheekh Wasiirka qorsheynta.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 20 September 2021 10:10

Kaliya, Kooxda Fahad, waxa ay sheegeen in Maryan, xubno ka mid ah ehelkeeda ay ka mid yihiin Al-Shabaab, isla-markaana gabar caawiye u ahayd oo la yiraahdo Hodan ay u baxsatay dhanka Al-Shabaab, taas oo ilaa iyo hadda aysan u keenin wax caddeyn ah.