Puntland oo qaadacday shirkii Farmaajo ku baaqay

War qoraala oo kasoo baxay dowlad goboleedka Puntland ayaa lagu qaadacay shirka uu ku baaqay 4-ta Maarso Madaxweyne Farmaajo, waxaana laga codsaday xafiiska Qaramada Midoobay ee Soomaaliya iyo AMISOM in ay marti galiyaan shirka looga hadlayo doorashooyinka.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo qaadacday shirkii Farmaajo ku baaqay

GAROWE, Soomaaliya - Madaxweynaha dowlad goboleedka Saciid Deni oo horay uga hadlay in ay qaadaceen shirka uu ku baaqay madaxweyne Farmaajo ee la doonayay in lagu dhammeystiro saxiixa is af-garadkii guddiga farsamada ay ku gaareen dabayaaqadii bishii hore magaalada Baydhabo ayaa caawa mar kale ku celiyay in ay qaadaceen shir uu ku baaqay Farmaajaha waqtigiisu dhammaaday.

"Dowladda Puntland ee Soomaaliyeed waxay walaac ka muujinaysaa in Madaxweynaha muddo xileedkiisu dhammaaday Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tillaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Barlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya" ayaa lagu yiri qoraalka.

Qoraalka ayaa lagu boogaadiyay kulamadii ugu dambeeyay ee midowga musharaxiinta iyo RW Rooble ku dhex maray magaalada Muqdisho waxaana lagu yiri "Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay"

Sidoo kale, Puntland waxay cadeynaysaa inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020. 

Puntland waxay ku xirtay ka qeyb galka shirka Shardi adag, waxaana lagu yiri qoraalka "Dowladda Puntland waxay soo jeedinaysaa in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Mogadishu, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya"

Dowlad goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa mowqif adag ka istaagay arrimaha doorashooyinka dalka, iyagoo si aada u diiddan soo laabashada Farmaajo iyo mar kale xafiiska ugu sarreeya ee Villa Somalia.

KEYDMEDIA ONLINE
 

Commenting is not available in this channel entry.