Puntland oo sheegtay in ay dishay saraakiil Al-Shabaab ah

Ciidamada ammaanka ee dowlad goboleedka Puntland ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in ay khaarajiyaan saraakiil ka tirsan ururka Al-Shabaab

Warar Keydmedia Online
Puntland oo sheegtay in ay dishay saraakiil Al-Shabaab ah

GAROWE, Soomaaliya - Saraakiisha hoggaamineysay Ciidamada Puntland ee qaaday howlgal lagula dagaalamayay koox hubeysan oo ka tirsan Al-Shabaab ayaa waxaa ay sheegeen in howlgalkaasi ku dileen xubno ka tirsan Al-shabaab oo ku sugnaa degaanno ka tirsan buuraleyda Golis ee Gobolka Bari.

Iska hor imaad xooggan ayaa dhex maray labada dhinac, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan, ciidamda Puntland afhayeen u hadlay ayaa sheegay in ay soo af-jareen iska horimaad socday waqti kooban kaasoo u dhaxeeyay iyaga iyo kooxda ka dagallanta buuralayda Golis iyo Galgala ee Al-Shabaab.

Saraakiisha ayaaa sidoo kale sheegay in howlgalka ay hub farabadan uga qabteen kooxda ay iska hor yimaadeen, waxaa lagu soo warramayaa in xaaladda deegaanada uu dagaalku ka dhacay ay ku sugan yihiin Ciidanka Puntland ee howlgalka fuliyay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.