Puntland oo shuruud ku xirtay ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb 3

War-saxafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in madaxda DF ay ku kaceen falal lagu fashilinayo hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, kuwaas oo caqabad ku ah natiijo kasto oo ka soo baxdo Dhuusamareeb 3.

Warar Keydmedia Online
Puntland oo shuruud  ku xirtay ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb 3

MUQDISHO, Soomaaliya - Puntland ayaa qaadacday ka qeyb galka shirka wada-tashiga Dhuusamareeb 3 oo la filayay in uu furmo 15 bishan, haseyeeshee dib u dhacay, balse hadda gogoshiisa la fadhiyo.

Puntland ayaa soo saartay war-saxaafadeed ka kooban saddex bog iyo 7 shuruud, kaasoo isugu jiro soo dhaweyn shirarkii hore, baaq iyo shuruudo lagu xirayo ka qeyb galka shirka Dhuusamareeb 3 oo haatan Farmaajo iyo xulufadiisa Galmudug u joogaan.

War-saxafadeedka ka soo baxay Puntland ayaa lagu sheegay in madaxda dowladda ku kaceen falal lagu fashilinayo hirgelinta qodobadii ka soo baxay shirkii Dhuusamareeb 1 iyo 2, islamarkaana caqabad ku noqon karo natiijo kasto oo ka baxdo Dhuusamareeb 3 oo hadda la filayo.

Shuruudaha Puntland soo saartay waxaa ka mid ah in marka hore Farmaajo magacaabo Ra'iisul wasaare cusub iyo xukuumad fulin karto qodobada lagu heshiiyo iyo in Beesha Caalamka shirka ka soo qeyb gasho, islamarkaana damaanad qaad ka noqoto waxyaabaha ka soo baxaya.

Halkaan hoose ka akhriso war-saxaafadeedka. 

    Commenting is not available in this channel entry.