UK oo qorsheyneysa inay jarto Gargaarka ay siiso Soomaaliya
Inkastoo dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland ay soo dhaweysay shirka uu madaxweyne Farmaajo ku baaqay haddana waxay codsatay in lagu qabto magaalada Muqdisho.
GAROWE, Soomaaliya - War qoraala oo kasoo baxay Maamulka Puntland ayaa lagu shaaciyay in dowlad goboleedka Puntland ay soo dhaweyneyso shirka uu ku baaqay madaxweynaha JFS Maxamed Farmaajo.
Qoraalka oo u qornaa sidan "Puntland waxay soo dhaweynaysaa Shirka lagu baaqay 15-ka Feb, inkasta oo aan lagala tashan in Garowe lagu qabto. Maadama uu dhamaaday muddo xileedkii Hay’adaha DFS waxay ku talinaysaa in Shirka lagu qabto Muqdisho ayna kasoo qeybgalaan Saamileyda Siyasada iyo Beesha Caalamka"
Dowlad goboleedka Puntland oo siyaasad ahaan aad uga fog Villa Somalia ayaa waxay carrabka ku dhufatay in uu dhammaaday muddo xileedka hay'adaha dowladda federaalka Soomaaliya ee kala ah Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee BJFS, Xukuumadda iyo Madaxweynaha dalka.
Lama oga in xafiiska RW oo leh doorka fududeynta shirkan uu aqbali doono in lagu qabto magaalada Muqdisho.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments