Puntland: Xildhibaannadii xasaanadda laga qaaday oo iska diiday Maxkamadda sare

Xildhibaannadan ayaa qaba in wadadii sharciga laga leexday.

Warar Keydmedia Online
Puntland: Xildhibaannadii xasaanadda laga qaaday oo iska diiday Maxkamadda sare

Kulan ay maanta magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ku yeesheen 8 xildhibaan oo dhowaan baarlamaanka Puntland xasaanada ka qaaday ayaa waxay sheegeen in ay shaki ka qaadeen arrinta maxkamadda sare ee ah in kiiskooda lagu qaado, waxaana ay tilmaameen in aanay dooneyn kiiskooda hadda in maxkamadda ay qaaddo.

Tuhunka ay xildhibaannadan qabaan ayaa ah in madaxweyne Deni uu gadaal ka riixayo arrintan, sidoo kalena uu kulan saacado qaatay la galay ku simaha guddoomiyaha maxkamadda sare, waxaana ay mudanayaashan ka baqayaan in dambi aanay lahayn lagu soo oogo.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.