NISA oo baaraysa Lacag Mucaaradka Garoonka uga soo degtay
Xildhibaanadan ayaa wadey Mooshinka xilka looga qaadayo gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland, oo lagu eedeeyay ku tagri fal awoodeed.
GAROOWE, Puntland - Xildhibaanno katirsan Baarlamaanka Maamulka Puntland ayaa maanta laga qaadey xasaanadda kadib markii Gollaha uu meel-mariyay Mooshinka deg deg ah, oo xalay lagu diyaaraiyay Garoowe, kaasoo daqiiqado lagu ansixiyay saakay.
Sida Keydmedia Online labadii maalmood ee lasoo dhaafay soo qoraysay, waxaa jiray xiisad siyaasadeed oo ka dhalay tallaabo uu gudoomiyaha Gollaha C/rashiid Yuusuf Jibriil kula wareegay awooddii hoolka shirarka, isagoo adeegsanaya Ciidanka ilaalada u ah.
Gudoomiye C/rashiid ayaa caburin ku sameeyay Todobaadkan dhowr jeer xili ay ka doodayeen la xisaabtanka Xukuumadda Deni, oo waxqabad la'aan iyo musuq-maasuq lagu eedeeyay. Kadib waxay Xildhibaannada magacyadooda hoos ku xusan billaabeen inay diyaariyaan Mooshin xilka looga qaadayo gudoomiyaha.
KEYDMEDIA ONLINE
Add comment
Comments