Maamulka Puntland “Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ayaa isku keen soo dhiibay”

Garoowe (KON) - Maamulka Puntland ayaa shaaca ka qaaday in horjoogayaal iyo Maleeshiyaad ka tirsan kooxda Shabaab ay isku soo dhiibeen kuwaasoo ka soo goostay Maleeshiyaadka Shabaab ee ka dagaalamay buuraleyda Galgala ee gobbolka Bari.
Warar Keydmedia Online
Maamulka Puntland “Horjoogayaal ka tirsan Shabaab ayaa isku keen soo dhiibay”

Col: Jaamac Saciid Taliyaha Ciidamada Daraawiishta Maamulka Puntland ayaa warbaahinta u sheegay ilaa labo sargaal iyo hub ay wateen ay isku soo dhiibeen, isagoona sheegay in raggaan isa soo dhiibay ay ka tirsanaayeen Maleeshiyaadka Shabaab ee ka dalaama buuraleyda Galgala.

Sikastaba, arrintaan ayaa ku soo aadeysa xili mudooyinkii ugu dambeeyay ay buuraleyda Galgalad ay ku sii qul qulayeen Maleeshiyaad iyo horjoogayaal Shabaab ka tirsan kuwaasoo ka tagay koonfurta Soomaaliya.

Keydmedia Online -Xafiiska, Muqdisho