Deni: Fahad Yaasin waa in la badalaa hadii ay doorasho dhaceyso
Waxaa sidoo kale Golaha amaanka ay isku mari waayeen dalabka ah in dhuxusha Soomalia iyana xayiraadda laga qaado taa oo la sheegay in dhaqaalo xoogbadan uu ka soo galo maleshiyada kooxda Al shabaab.
Dublumaasi ka tirsan Golaha Ammaanka ayaa yiri waxaan u arkaa in haata aan la joogin waqtigii xayiraadda laga qaadi lahaa hubka soomalia mana jirto cid arinkaasi isku raacsan ,Dublumaasiyiin kale ayaa iyana shaaca ka qaaday in ay siiw adayaan dooda la xiriirka arinkaan lagu dalbanayo in xayiraadda laga qaado hubka somalia
Golaha ayaa dhanka kale isku raacay in muddo Todobaad ah loogu kordhiyo Ciidamda nabad ilaalinta Midowga Africa taa oo ku eg Arbacada dodobaadka dambe ee soo socda ,ilsa maalinta xigta glaha ammaanka ayaa yeelan doona kulan uu albaabada u xiran yahay oo ay kaga hadli donaan arimaha soomalia
inkastoo duufanta sandi ay sameeyn ku yeelatay xaruunta Qm ay ku leedahay magaalada New York ayaa haddana waxaa lafilayaa in kulamadaasi ay ka dhacaan xaroomo ku meel gar a.
sikastaba arinkaan ayaa ku soo beegmaya xilli Ururka midowga africa uu dalbadan todobaadkan in xayiraadka dhanka hubka ah ee saaran soomalia laga qaado si loo qalabeeyo ciidanka
Si kastaba arrintan ayaa iaanaysa xili todobaadkan si weyn loo soo hadal qaaday sidii Soomaaliya looga qaadi lahaa Xayiraadda Hubka ee Saaran in ka badan Labaatan Sano.
Keydmedia Online - Xafiiska Nairobi // Wadanka
Add comment
Comments