Q/M oo dowlada kala hadashay dhibaatooyinka loo geesto haweenka

Muqdisho (KON) Kaaliyaha guud ee Qaramada Midoobay uqaabilsan goobaha colaadaha ay ka jiraan iyo ka hortaga tacadiyada ay la kulmaan haweenka Zainab Boungura oo maanta kulan saxaafadeed ku qabatay xerada Xalane ee magaalada Muqdisho xilli ay kulan la qaadatay madaxda ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa waxa ay sheegtay in Qaramada Midoobay ay xooga saari doonto sidii dowladda Soomaaliya loogala shaqeyn lahaa yareynta tacadiyada ay la kulmaan haweenka ee kufsiga la xiriira.
Warar Keydmedia Online
Q/M oo dowlada kala hadashay dhibaatooyinka loo geesto haweenka

 

Kaaliyaha ayaa sheegtay in ujeedka ugu weyn ay Muqdisho u timid ay tahay sidii dowladda Soomaaliya looga eegi lahaa waxkaqabashada tacadiyada haweenka oo sanadihii ugu dambeeyay ay jireen dhibaatooyin ay la kulmayeen haweenka,iyadoo intaasi ku dartay in kulanka maanta ay la qaadatay Taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed waxyaabihii ay kaga hadleen gabi ahaanba la isku raacay.

Zainab Boungura ayaa intaasi ku dartay in bilo kadib ay Muqdisho soo gaarayaan xubno ka socda golaha ammaanka ee Qaramada Midoobay oo qaabilsan arimaha haweenka si ay uqaataan tababaro qeyb ay ka noqonayaan AMISOM una soo gudbiya xogta ku aadan dhibaatooyinka haweenka loo geysanayo.

Soomaaliya ayaa lagu tiriyaa dalalka tacadiyada kala duwan haweenka ay kala kulmaan inkastoo madaxda dalka ay sheegeen inay ku dadaalayaan arimaha xuquuqul insaanka.

Keydmedia Online xafiiska Muqdisho