Qaban qabadii 14. August oo laga dareemayo Galmudug

Gaalkacyo (KON) - Waxaa Magalada Gaalkacyo Maanta siweyn looga dareemayaa Qaban-qabada lagu Maamuusayo 14. August oo ah markii Galmudug la yagleelay.
Warar Keydmedia Online
Qaban qabadii 14. August oo laga dareemayo Galmudug

Wasiirka Arimha Gudaha iyo Amniga Galmuud, Ahmed Maxamuud Xasan Baasto oo la hadlayey Keydmedia Online ayaa wax uu sheegay in Amaanka si wayn loo adkeeyey guud ahaan deeganda Galmudug si Bulshada reer Galmudug ay si Nabada ugu dabaal dagaan Maalintii la Aasaasay Dawladdooda.

Wasiirka ayaa waxa uu sheegay in maalintaas la soo Bandhigi doono Waxqabadka, Maamulka uu Hogaamiye Madaxwayne Cabdi Qaybdiid iyo Qorshayaal Amaanka guud wax looga qobanayo.

Diyaar Garaw Xooggan ayaa laga Dareemaya Gaalkacyo iyo Hobyo, waxana Bulshada Qaybaheeda kala duwan ay isku Diyaarinayan in ay Qayb weyn ka qaataan Maalintaasi.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo