QM oo mar kale ka hadashay Qoondada Haweenka

213 kursi oo Golaha shacabka ah, oo ilaa hadda la doortay, waxaa haween ka ah kaliya, 44 kursi, mana cadda tirada rasmiga ah, oo ay ku yeellan doonaan, 62 kursi oo doorashadoodu wali dhiman tahay.

News Keydmedia Online
QM oo mar kale ka hadashay Qoondada Haweenka

MUQDISHO, Soomaaliya – Xilli ay maanta ku beegan tahay, Munaasabadda Maalinta Caalamiga ah ee Haweenka, ayuu ergeyga gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan, ku baaqay, in haweenka Soomaaliyeed la siiyo saamigooda ey u qalmaan ee siyaasadda, horumarinta dhaqaalaha iyo bulshada.

Sidu uu baahiyay xaafiiska, Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, Swan, wuxuu carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay in la aqoonsado, wax-qabadka haweenka, lana siiyo kaalinta saxda a ah ee ay ku leeyihiin hoggaanka iyo go'aan ka gaarista nabadda iyo geeddi-socodyada siyaasadda.

Wuxuu bogaadiyay, doorka ay haweenka Soomaaliyeed ku leeyihiin geeddi-socodka doorashada federaalka ee hadda socda si loo gaaro qoondada ugu yaraan 30 boqolkiiba ee loo gaar yeelay haweenka, wuxuuna xusay, in Matalaadda haweenku ay dheelis tiri karto, siyaasadda Soomaaliya.

Haweenka Soomaaliyeed waxa ay soo muujiyeen geesinnimo, adkeysi iyo go’aan aan gaabis lahayn si loo xaqiijiyo sinnaanta jinsiga iyo ka qaybgalka buuxa ee haweenka ee dhammaan dhinacyada nolosha.  ayuu yiri James Swan.

213 kursi oo Golaha shacabka ah, oo ilaa hadda la doortay, waxaa haween ka ah kaliya, 44 kursi, qoondadii dumaka, waxaa ka maqan 39 kursi, hayeeshee, ma cadda tirada rasmiga ah, oo ay ku yeellan doonaan, 62 kursi oo doorashadoodu wali dhiman tahay.

Maalinta caalamiga ah ee haweenka waa maalin caalami ah oo sanad walba la xuso 8-da Maarso, si loo weyneeyo guulaha dhaqan, siyaasadeed, iyo dhaqaale ee haweenka. Hal-ku-dhegga sanadkanna waa ‘Sinaanta Jinsiga Maanta Si Loo Helo Berrito Waarta’.

Inta badan magaalooyika waa weyn ee dalka, waxaa shalay ka dhacay, kulamo ay Ururrdaha haweenku ku muujinayeen, tabasho la xariirta in madaxda maamulladu boobeen, kuraastii haweenka sida ay sheegtay Guddomiyaha Guddiga Xaqiijinta Qoondada Haweenka, Batuulo Ganballe.

KEYDMEDA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.