Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay hab-dhaqanka Mursal

Qaramada Midoobey waxay sheegtay in uusan sax aheyn hindise-sharciyeedka maanta la horgeeyay Gollaha Shacabka, islamarkaana loo baahan yahay in Gollaha Wasiiradda ay dib u celiyaan sharcigii hore ee la ansixiyay 2018.

Warar Keydmedia Online
Qaramada Midoobey oo walaac ka muujisay hab-dhaqanka Mursal

MUQDISHO, Soomaaliya - Qaramada Midoobey iyo Wakiiladda kale ee Beesha Caalamka ayaa soo saarey qoraal ay ku cambaareeyeen isku-day Mursal ku doonayo inuu ku meel-mariyo sharci ogolaanaya guurka caruurta.

“Qaramada Midoobay iyo saaxiibada kale ayaa u muujiyey walaaca ay ka qabaan Guddoomiyaha Gollaha Shacabka Mursal, isku dayga miiska kusoo saaray sharci cusub oo oggolaanaya guurka carruurta, kaasoo kahor imaanaya xeerarka caalamiga ah,” ayaa lagu yiri War kasoo baxay Xafiiska Qaramada Midoobey.

Qaramada Midoobay ayaa ku boorisay Gollaha Wasiirrada xilka sii haya inuu dib-u-soo-celiyo Hindise-sharciyeedkii hore ee Dembiyada Galmada, islamarkaana Meesha laga saaro midka hadda laga doodayo.

Kulankii Maanta ayay Xildhibaanada Gollaha Shacabka ku diideen ansixinta Ajendaha kulanka oo ahaa Akhrinta Koowaad ee Hindise sharciyeedka Dambiyada la xiriira Galmada, iyagoo sheegay inuu kasoo horjeedo diinta Islaamka iyo dhaqanka Soomaaliyeed.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 3 December 2020 6:01

Xaraashka Shidaalka Soomaaliya ee ka socda Turkiga ayaa imaanaya, iyadoo oo anay wali dhamaystirnayn hay'adihii uu sharcigu farayay inay ka shaqeeyaan arrimaha la xiriira khayraadka dalka.