Qaramada Midoobay: “Waa Sharci daro in Kooxi yeelato Ciidamo gaar u ah”

Muqdisho (KON) - Koox ka socota Qaramada Midoobay oo booqosho ku joogtay Maalmahaan Dalka Soomaaliya oo loo xilsaaray inay u kuur galaan Arimaha Amaanka, ayaa soo saaray Wabixin ay ku muujinayaan halista ay ku hayaan Dalka Soomaaliya Ciidamda sida gaarka ah loo leeyahay.
Warar Keydmedia Online
Qaramada Midoobay: “Waa Sharci daro in Kooxi yeelato Ciidamo gaar u ah”

Hogaanka Gudigaan Dr. Faa’iso Patel ayadoo walaac ka muujisay sida Fowdada ah ee lagu maamulo Maleeshiyaadkaas ayaa ka digtay in ay Maleeshiyaadkaas galaan Booskii Ciidamda Dowlada.

Gudiga meelaha uu booqdey waxaa ka mid ahaa Maamulka Puntland waxeyna ogaadeen in "Ciidamada" la dagaalanka burcad badeeda ee Maamulka Puntland ay sameeyaan Xadgudubyo ka dhan ah Xaquuqda Insaanka.

Warbixinta Gudigaan Qubarada ah waxaa lagu sheegay in Ciidamda Faroole ay tababareen Shirkad Calooshood u shaqaystayaal ah oo lagu magacaabo Serecen International, waxey kaloo Warbixintooda ku muujiyeen in aysan Sharciga Caalamka Waafaqsaneyn in Maleeshiyaad ay Gacanta u galaan Hub Culus sida Gawaarida Gaashaaman oo loo yaqaano Taangiyada.

Warbixin ay hada kahor Keydmedia Online soo qortay Halkaan ka Aqriso.

Keydmedia Online - Xafiiska Gaalkacyo