Qarax ka dhacay degmada Kaxda

Qarax la dhigay waddada dhinaceeda ayaa lala eegtay saddex ruux oo shacab ahaa kuwaasoo gaarigii ay saarnaayeen uu haleelah qaraxa, waxaana goobta ku geeriyooday saddexda ruux.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay degmada Kaxda

MUQDISHO, Soomaaliya - Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku geeriyootay qarax maanta ka dhacay degmada Kaxda ee gobolka Banaadir.

Dhaawacyo kale ayaa ka dhashay qaraxa oo lala eegtay gaari SURF ah oo ay saarnaayeen saddexda ruux, waxaana dhaawaca ay ubadnaayeen dad waddada marayay.

Mid kamida saddexda ruux ee qaraxa lagu dilay ayaa lagu magacaabaa Cabdullaahi Sheekh Maxauud Guuleed waxa uuna la dhashay wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Maxamed Sheekh Maxamuud Guuleed Gacma-dheere.

Ma jirto cid sheegatay weerarka, balse waxaa inta badan lagu yaqaanaa qaraxyada nuucan oo kale ah kooxda Al-Shabaab, sidoo kale ma jirto wax war ah oo kasoo baxay maamulka dowladda ee ku aaddan weerarkaasi.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.