Qarax gaari dawo siday lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho

Qarax miino oo gaari lagu soo xiray ayaa ku qarxay gudaha Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Warar Keydmedia Online
Qarax gaari dawo siday lagu soo xiray oo ka dhacay Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax lagu soo xiray gaariga loo yaqaano Hoomeyda ayaa ka dhacay gudaha Suuq weyn ee Bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Qaraxa lagu soo xiray gaariga ayaa ka dhacay qeybta lagu iibiyo daawada ee Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho, goobjoogayaal ayaa noo xaqiijiyay in qaraxa oo khasaarihiisu yaraa uu ka dhacay qeybta lagu iibiyo dawada ee Suuqa Bakaaraha.

Inta la xaqiijiyay hal ruux oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay qaraxa, waxaana bur-bur xoog leh uu soo gaaray gaariga la qarxiyay, iyadoo ciidamo boolis ah ay gaareen goobta uu qaraxu ka dhacay, mana jiraan ilaa iyo hadda cid loosoo qabtay falkaas, audio kalena ma jirto cid sheegatay weerarkaas ka dhacay gudaha suuqa bakaaraha ee magaalada Muqdisho.

Kooxda Al-Shabaab oo inta badan looga bartay weerarada nuucan oo kale ah ayaan weli hadlin.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.