Qarax Is-miidaamin ah oo gilgiley Muqdisho

Qaraxa ayaa noqonaya midkii 2aad mudo ka yar Isbuuc ka dhacaya Caasimada dalka, iyadoo ay muuqato inuu amniga faraha dowladda ka baxay.

News Keydmedia Online
Qarax Is-miidaamin ah oo gilgiley Muqdisho

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax weyn oo Is-miidaamin ahaa ayaa barqadii Maanta gilgiley magaaladda Muqdisho, kaasoo ka dhacay meel aad u mashquul badan xili walba.

Goobjooge la hadlay Keydmedia ayaa sheegay in qof isku soo xiray walxo qarxa uu beegsadey Gaari uu watey Afhayeenka Xukuumadda RW Rooble Maxamed Ibraahim Macalimuu.

Qaraxa ayaa ka dhacay Isgoyska Dabka, oo kamid ah meelaha ugu mashquulka badan, waxaana la sheegay in Macalimuu uu soo gaarey dhaawac, iyadoo la dhigay Isbitaalka Digfeer.

Sarkaal katirsan booliska ayaa sheegaya in Macalimuu xili uu kasoo degayay Gaarigiisa oo nooca SURF ah la isku qarxiyay, waxaana lagu soo waramayaa in xaaladiisa degan tahay.

Wuxuu u ekaa qaraxa Maanta midkii lagu dilay Wariye C/casiis Afrika bishii November 2021, kaasoo uu fuliyay qof isku soo xiray walxo qarxa oo albaabka Gaariga suxufiga isku qarxiyay.

Labada qof ee la beegsadey ayaa siyaasadda ahaan kasoo horjeeday Farmaajo, waxaana tani dhalisay shaki ah in weerarada ay yihiin kuwa shirqool ah oo Villa Somalia laga ogyahay.

Macalimuu ayaa dhawaan ku biiray Siyaasadda, isagoo mudo sanado ah usoo shaqeeyay BBC Somali, wuxuuna dhawaana isku soo sharaxay kursiga Xildhibaanimo, Beeshiisa Gaaljecel.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.