Iridda laga ilaaliyo Madaxtooyada oo la qarxiyay

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah agagagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallo bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada. Koontaroolka lala beegsaday qaraxa is-miidaaminta ah ayaa lagu hubiyaa gawaarida galeysa Villa Soomaaliya.

Warar Keydmedia Online
Iridda laga ilaaliyo Madaxtooyada oo la qarxiyay

MUQDISHO, Soomaaliya- Gaari laga soo buuxiyay waxyaabaha qarxa ayaa lala beegsaday mid kamid ah irdaha laga galo Madaxtooyada Soomaaliya.

Goobta Qaraxu ka dhacay ayaa ah agagagaarka isgoyska Ceelgaabta ee magaalada Muqdisho, halkaas oo uu ku yaallo bar koontarool oo laga ilaaliyo Madaxtooyada. Koontaroolka lala beegsaday qaraxa is-miidaaminta ah ayaa lagu hubiyaa gawaarida galeysa Villa Soomaaliya.

Dhawaqa qaraxa oo ahaa mid xoogan ayaa inta badan laga maqlay dagmooyinka gobolka Banaadir, muuqalo laga soo duubay goobta uu qaraxu ka dhacay ayaa mujinaya bur-bur xooggan oo soo gaaray dhismihii ka ag dhawaa, sidoo kale waxaa muuqanayay bur-bur soo gaaray gawaari meesha marayay oo qaarkood gubanayay.

Qasaaraha hantiyadeed marka laga soo tago waxaa sidoo kale jira, mid nafeed oo soo gaaray dad rayid ah iyo askar ka tirsan ciidanka dowladda. Mase cadda tirada rasmig ah ee ku waxyeelowday qaraxaasi.

Laamaha Ammaanka Soomaaliya iyo kooxaha gurmadka degdegga ayaa soo gaaray goobta, waxayna gurmad u fidinayeen dadkii ay waxyeeladu kasoo gaartay qaraxa, iyagoo sidoo kale ka qeyb qaadanaya daminta dab ka kacay gaadiid qaraxa uu haleelay. Ciidamada ammaanka ayaa xiray agagaarka uu qaraxu ka dhacay, waxayna wadaan baaritaanno la xiriira qaraxyo kale oo laga cabsi qabo.

Shalay ayay aheyd markii ruux naftii halige ah uu isku qarxiyay Maqaayad ku dhaw Villa Baydhabo, inkastoo sida saraakiishu sheegeen qaraxaasi uusan geysan wax qasaaro nafeed ah,marka laga reebo ninkii is qarxiyay.

Wixii warar ah ee kusoo kordha, kala soco halkan.

KEYDMEDIA ONLINE 

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 24 October 2021 7:50

Wadaadka xiriirka xooggan la leh kooxo diimeed ka jira Iran, Shaakir, wuxuu ku soo duulay degaan nabad ah oo nidaam dowladnimo iyo kala danbeyn amni ku naalloonaya, wuxuuna muddo dheer oo kataabo garbaha u surnaayeen kadib cagta saaray jidkii Xasan Dhaahir Aweys, ee qori kursi ku doonka ahaa.