Qarax ka dhacay Beledweyne, G/Hiiraan

Mas'uuliyiin dhowr ah ayaa ku dhintay qaraxa oo ahaa mid culus oo jugtiisa laga maqlay magaaladda oo dhan.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Beledweyne, G/Hiiraan

BELEDWEYNE, Soomaaliya - Qarax weyn ayaa goordhaw ka dhacay magaaladda Beledweyne, ee xarunta gobolka Hiiraan, kaasoo geystay khasaarooyin isagu jira dhimasho iyo dhaawac.

Wararka hordhaca ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay nawaaxiga saldhigga booliska, gaar ahaan Maqaayad ay ku sugnaayeen mas'uuliyiin heer gobol iyo kuwa degmo.

Gudoomiyaha degaanka Feerfeer Khaliif Garaad ayaa la sheegay inuu kamid yahay dadka ku dhintay qaraxa, oo wararku ay sheegayaan inuu ahaa miino goobta lagu aasay.

Fahfaahin, kala soco wararkeena dambe.

KEDYEMDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.
Warar 6 December 2021 18:32

Boobkii doorashada ee sababay dilkii MW Soomaaliya iyo isku dhajintii xukunka ee keentay burburka dalka ayuu Farmaajo dib u soo celiyay, wuxuu diiddan yahay banneynta xaafiiska iyo hirgalinta doorasho xalaal ah.