Qarax ka dhacay degmada Afgooye

Qaraxa ayaa ahaa mid xooggan, iyadoo laga maqlay guud ahaan degmada Afgooye iyo nawaaxigeeda

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay degmada Afgooye

Wararka ka imaanaya degmada Afgooye ee gobolka Shabellaha Hoose ayaa waxay sheegayaan in qarax xooggan uu ka dhacay bartamaha magaaladaasi, kaasi oo khsaare u geystay dad halkaasi ku sugnaa.

Sida ay sheegayaan goobjoogayaal, qaraxan ayaa ahaa miino lagu aasay goob ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda, waxaana marka qaraxa uu dhacay ay ciidanku rideen rasaas xoogan.

Lama oga illaa iyo hadda inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay qaraxan, waxaana goobta qaraxa uu ka dhacay ku sugan ciidamada ammaanka, kuwaasi oo howlgal bilaabay.

KEYDMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.