Qarax ka dhacay gobolka Gedo

Warar kala duwan ayaa kasoo baxaya qaraxa, oo la sheegay inuu ahaa mid ka dhashay Gaari walxaha qarxa ku xirnaa, oo Al-Shabaab ku diyaarinaysay duleedka degmada Garbahaarey.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay gobolka Gedo

GARBAHAAREY, Soomaaliya - Sarkaal katirsan Militeriga Soomaaliya ayaa Keydmedia Online u sheegay isagoo ku sugan gobolka Gedo in Maanta uu qarax ka dhacay tuulo ku taalla duleedka Garbahaarey oo lagu magacaabo Mekarebay.

Qarax wuxuu ka dhashay sida la sheegay Gaari walxaha qarxa lagu xiray, oo Al-Shabaab u diyaarisay inay weerar ku fuliso, waxaana ku dhintay dhacdadan inta la xaqiijiyay 3 qof, halka qaar kale ay ku dhaawacmeen, kuwaasoo dhaamntooda Shabaab ahaa.

KEYDMEDIA ONLINE

    Commenting is not available in this channel entry.