Qarax ka dhacay Kismaayo

Qaraxa ayaa ka dhacay meel u dhow xarunta ugu weyn Booliska Kismaayo oo ku taallo gudaha magaalada. 

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay Kismaayo
September 11, 2020 - 12:19:00
KISMAAYO - Keydmedia Online

Qof isku soo xiray walxaha qarxa ayaa isku qarxiyay banaanka Masjid ku yaalla Kismaayo, waxaa jira khasaaro aad u badan, sida ay goobjoogiyaasha sheegeen. Ninka is qarxiyay ayaa beegsanayay gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Jubbaland Shaafici Raabi Kaahin oo la sheegay in dhaawac culus soo gaarey.

Masjidka uu qaraxa ka dhacay ayaa waxaa ku tukanayey mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Jubbaland, wuxuuna qaraxa dhacay markii Salaada laga soo baxay kadib.

Shaafici waxey qaraabo dhaw yihiin Axmed Madoobe, iyadoo walaalkiisa ka yar uu taliye u yahay Nabad Sugidda Maamulka Jubbaland, kaaso hada ku sugan Muqdisho. 

MUQDISHO, Soomaaliya - Qarax ayaa daqiiqado ka hor ka dhacay magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka u ah maamulka Jubbaland.

Goob joogayaal la soo xiriiray Keydmedia Online ayaa sheegaya in qaraxa lagu weeraray dad ka soo baxayay Masjidka Qadiim oo ay salaadda Jimcaha ku dukadeen.

Wixii ku soo kordho la soco. 

Commenting is not available in this channel entry.