Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Qaraxan ayaa dhwaqiisa laga maqlay guud ahaan magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Warar Keydmedia Online
Qarax ka dhacay magaalada Baydhabo

Faah faahin dheeraad ah ayaa laga helayaa qaraxa xalay ka dhacay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Mooto Bajaaj ayaa la sheegay in ay saarnayeen walxaha qarxa, iyada oo ku qaraxday bartamaha magaalada Baydhabo, waxaana waxyeello ay soo gaartay dad shacab ah.

Inta la xaqiijiyey ugu yaraan Saddex qof ayaa ku dhaawacmay qaraxan, iyadoo khasaaraha uu intaan kasii badan karo.

Ciidamada ammaanka ayaa sameeyey baaritaanno aan natiijadooda la shaacin, iyadoo hadda xaaladda guud ee Baydhabo ay tahay mid deggan.

Saraakiisha Booliiska iyo maamulka magaalada Baydhabo ayaan faah faahin ka bixin qaraxan, iyadoo aanay jirin cid qaraxan lal bartilmaamedsanayey.

Baydhabo ayaa ah magaalada Labaad ee inta bada qaraxyada ay ka dhacaan marka laga soo tago magaalada Muqdisho.

KEYMEDIA ONLINE

Commenting is not available in this channel entry.